U bood dhigaalka

Saameynta Taargooyinka Kala Nuuca Ah Ee Ay Sameysteen Maamul Gobaleedyada Dalka

Sheeko:Dalka

Muddooyinkii dambe waxaa taagneyd cabasho ay qabeen gaadiidleyda kala duwan ee ka shaqeeya gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir ee u safra deegaannada Maamulka koofur galbeed taasi oo la xariirta taargada ama aqoonsiga  gawarida ee ay isticmalayaan iyo leysinka.

Maamullada dalka ka jira ayaa mid walba sameystay taargada  iyo aqoonsi u gaar ah taasi oo isku socodka gaadiidka deegaannada qaar caqabad ku ah islamarkaana darawallada gadiidleyda ay cabasho ka muujiyeen.

Dahir Maxmuud Dirir waa madaxa iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir waxa uu sheegay inay gadiidleyda ay dhibaato badan ku qabaan taargada ay sameysteen maamullada qaar, waxa uu xusay inay kala hadleen dawladda Soomaliya ayna ka sugayaan inay talaabada kaga aadan ay qaadato.

“Waan la soconnaa arintan saameyn badan ay nagu yeelatay dhibka ay qabaan gaadiidka waa mid taagan waxaana maamul walba  uu sameeyay taargo u gaar ah waxayna dhibaato ku tahay isku socodka gaadiidka ka shaqeeya gobollada dalka waxaana dalbanay in wax laga qabto”ayuu yiri Dahir Maxamuud Dirir

Qaar ka mid ah darawallada ka shaqeeya Muqdisho iyo gobollada shabeellaha hoose , Bay iyo Bakool ayaa dhankooda sheegay inay dhibaato  ku qabaan taargada Maamul goboleedyada sameysteen  iyaga oo haysta middii dowladda dhexe.

“Waxaan u maleyneynayaa iney shaqadeena hakad geliso haddii ay sii wadaan cadaadiska ay nagu hayaan maamullada dalka kuwaasi oo qasab nooga dhigay inaan qaadanno taargada cusub” sidaasina waxaa yiri mid ka mid ah darawallada gaadiidka Ka shaqeeya gobolka shabeellaha hoose.

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee gobolka Baay ee maamulka koofur galbeed Maxamed Sheeq Muqtaar ayaa sheegay in aysan jirin cid qasab looga dhigay taargada maamulka koonfur galbeed laakiin ay u jarayaan taarigada kuwa ka dhex shaqeeya gobollada Bay, Bakool, iyo shabeellaha hoose oo ka mid ah deegaanada maamulka koonfur galbeed.

“Way jirtaa inaan sameynay taargada cusub oo la siinayo gawaarida marka laga reebo kuwa safarka ah ee wata midda dowladda dhexe laakiin ma jiraan wax qasab ay uga dhigeen gaadiidka” sida uu yiri Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee gobolka Baay.

Maamulka Jubbaland ayaa isna sameeyay taargo u gaar ah gawaarida ka shaqeeya gobollada maamulkaasi uu ka arrimiyo taasi oo waajib looga dhigay inay qaataan dhammaan gawaarida ka shaqeeya deegaanada Jubbaland

Wasiirka gaadiidka boostada isgaarsiinta iyo warfafinta maamul goboleedka Jubbaland  Cabdinuur Cali Aadan ayaan weydiinnay arrintan wuxuuna yiri.

“Annaga haddaan nahay maamulka Jubland waxaa waajib ku ah gaadiidka ka shaqeeya Jubbaland inay qaataan taargada maamulka mana ogolin midda dowladda dhexe keliya iyaga oo safar ah ayaan ogolnahay inay maraan gobollada aan ka arrimino ciddii an wadan taargada Jubbland nagama dhex shaqeyn karaan”

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa sidoo kale leh taargooyin u gaar  ah oo ay isticmaalaan inkastoo darawallada ay sheegeen in isku socodka uu caadi yahay marka laga reebo maamulka Somaliland oo marka loo gudbaayo ay qasab tahay in la qaato midda maamulkaasi oo aysan ogoleyn taargada dowladda dhexe.

Arrintan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dadka kale ee wata gawaarida yar yar maadaama maamul walba uu doonayo in la qaato taargada gawaarida iyo aqoonsiyada kale taasi oo dad badan ay u arkaan mid laga wanaagsanahay.

W\Q: Cabdiwahab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News