U bood dhigaalka

Saameynta Xirnaanshiyada Xuduudda Aan Rasmiga Ahayn Ee Kenya Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa xiran maalintii 3-aad xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka degmooyinka B/xaawo iyo Mandhera, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii, ganacsigii iyo waxbarashada Labada dhinac.

Tallaabada lagu xirey xuduudda ayaa waxaa ka dambeeyay maamulka degmada B/xaawo, kadib markii uu sheegay in ay soo badanayaan tacaddiyada ay ciidamada Kenya ka sameynayaan halkaasi.

Shiine Xasan Cabdille oo ah guddoomiyaha ururka dhallinyarada degmada B/xaawo ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ay taageersan yihiin tallaadaba xuduudda lagu xiray.

Waxa uu tilmaamay Shiine in kaliya shacabka B/xaawo aanay u baahneyn dhanka Mandhera ee sidoo kale shacabka Mandhera u baahan yihiin kuwa B/xaawo.

Dhanka kale, xubno u hadlay maamulka degmada B/xaawo ayaa sheegay in Kenya ay weli waddo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, islamarkaana ay waddo sidoo kale dhul ballaarsi.

Goobjoog News