U bood dhigaalka

Sababaha Ugu Badan ee Ay U Geeriyoodaan Saddex Meelood Aadanaha Adduunka Sanadadii Lasoo Dhaafay Oo La Ogaaday

Sheeko:Caafimaadka

Koox Dhakhaatiir  caalami ah ayaa soo saaray natiijo cilmibaaris ay sameeyay 15 sano ee ugu dambeysay taas oo caddeynaysa sababaha ugu muhiimsan ee ay u dhintaan Saddex meelood aadanuha ee sanadadii ugu dambeeyay.

Sida lagu soo daabacay jariidada American College of Cardiology, khubarada cilmibaaristan  sameysay ayaa yiri: “Cilmibaarista aan sameynnay mudadii 15 sano ahayd ee ugu dambeysay waxaa nooga soo baxday in Saddex meelood dadku ay u dhintaan cudurrada wadnaha iyo xididada dhiiigga iyo cuduradda la xiriira cayilka”.

Khubarada ayaa ka hadlay waddamada ugu badan ee ay  dadkoodu qabaan cudurrada wadnaha la xiriira:

“Wadamada ugu badan ee dadkoodu ay qabaan cudurrada wadnaha iyo xidadada dhiigga ayaa ah,  Yurubta bari, Asia, Bariga dhexe, Konfurta Mareykanka, Saxaraha Africa iyo Oceania”.

Wxay sheegeen in dhimashada cudurrada wadnaha iyo xidada dhiigga la xiriiray ay ku sii yaradeen Mareykanka, Kanada, Australia, New Zealand, Japan iyo Kuuriyada Konfureed, sababtuna waa horumarka laga gaaray dhinaca dawaynta.

Khubaradan ayaa adeegsaday tirakoobyo ay sameysay WHO inta u dhaxaysay 1990-2015, oo laga dhex helay in dadka cudurrada wadanaha qaba ee adduunka ay gaareen illaa 400 oo milyan oo qof sandkii 2015, isla sanadkaa waxaa u geeriyootay 18 milyan oo qof.

Culumada ayaa farta ku fiiqay in heerka dhimasho ee cudurrada wadnaha ee yaraaday wadamada qaar uu yahay horumarka dhanka dawada ee dhinacaa laga sameeyay 5 tii sanno ee ugu dambeysay, tusaale ahaan; Sagaashameeyadii Qarnigii hore; heerka dhimashada cudurrada wadanaha waxa uu gaarayay 393/1000 ee qaba cudurka, intii ka dambeysay 2010, tiradaasi waxay hoos u dhacday 286 oo u dhimaneysay kunkii qof ee kasta ee cudurrada wadnuha qaba.

Goobjoog News