Maareeyihii dekadda Berbea Eng Cali Maxamed Xoor-xoor ayaa xilkii uu hayey laga qaaday ka dib markii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo lagu sheegay in xilkii laga qaado, maareeyaha cusub ee dekedduna noqdo Axmed Yuusuf  Dirir.
Eng Xoor-xoor ayaa ku dhawaad labaatankii sanno ee ugu dambeeyey maareeye ka ahaa dekadda Berbera marka laga reebo sannadkii 2010 oo mar sidan oo kale inta uu madaxweyne Siilaanyo xilkga uga qaaday uu hadana dib ugu soo celiyey lix bilood gudahood.
Waxa  jirtay khilaaf soo kala dhex galay Eng. Cali Xoor-xoor iyo odayaasha magaalada Berbera ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu qayb ka ahaa qorshaha xukuumadda Somaliland kula heshiisay shirkadda DP world, taasi oo keentay in markii maareeyaha cusub loo magacaabay dekedda ay dad weyne tiro badani soo dhaweeyeen iyaga oo isku soo bax ay ku taageerayaan maareeyaha cusub ay dadweynuhu ka dhigeen gudaha magaalada Berbera.
Prof.Maxamed Cabdilaahi Faarax oo culuumta siyaasadda  ka dhiga mid ka mid ah  jaamacadaha Somaliland ayaa Goobjoog News u sheegay in sababta ugu weyne ee Cali Xoor-xoor xilka looga qaaday ay tahay in xukuumadda Siilaanyo ay aamnisan tahay inaanuu waxba ka qaban dejinta kacdoonka dadweynaha reer Saaxil ee ka soo horjeeda heshiiska maalgashiga dekedda Bebera ee DPworl, iyadoo xukuumaddu ay aamnisan tahay ayuu yiri; in magacaabista maareeyaha cusub ee Axmed Yuusuf Dirir ay wax fiican ka qaban doonto dejinta dareenka dadka ka biyo diiddan heshiiska dekedda.
Dekedda Berbera ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee dakhli ahaan u soo xaroota Somaliland iyada oo marka la fiirinayo xilka maareeryuha dekadda Berbera uu yahay mid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad loo qiimeeyo.
Goobjoog News