U bood dhigaalka

Sababta Madaxweyne Siilaanyo u Cuskaday Kala Qaadista Doorashooyinka Somaliland iyo Falcelinta Axsaabta Siyaasadda

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in labada doorasho ee madaxweynaha iyo tan baarlamaanka aysan mar wada dhici doonin iyada oo muddo aan cayimin dib loo dhigayo doorashada baarlamaanka oo markii hore qorsheysnaa in la qabto 17 March 2017.

Madaxweynaha  ayaa dib u dhigista doorashada baarlamaanka waxa uu ku cuskaday qodobadan:

-In aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.

–  In dib u eegis iyo dib u qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

–  In  guddi qaran oo hawshan soo fududaysa loo magacaabo ama isku soo duba ridda talo sal balaaran oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.

–   In la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan oo looga tashado arrimhaa kor ku xusan.

Ka dib markii go’aankani ka soo baxay madaxweyne Siilaanyo waxa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay  saddexda xisbi,  UCID Iyo Xisbiga Kulmiye way taageereen go’aanka madaxweynaha halka xisbiga Waddani uu isagu ka soo horjeestay go’aankan .

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga horyimid go’aanka Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaameen talaabo doorashooyinka dib loogu dhigayo  waxaana qoraal ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga lagu sheegay sidan “Umaddan waxay wakiil kaga ahaayeen in madaxweynuhu fuliyo digreetadiisii iyo go’aankii goleyaasha qaranka ee ay maxkamadda sarena ansixisay, taas hadduu maanta si toosa ah u jebiyay waxaanu u aragnaa qayral distoori iyo qayral sharci, oo lagu doonayo sabab dib loogu dhigo doorashooyinka. Annagu waxaanu u aragnaa inaanay xal ahayn muddo la kordhiyaa, saami qaybsiga in muddo kordhin lagu daweeyaa xal maaha.”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha maxakamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa isna sheegay in dastuurka Somaliland loo fiirin doono sharci  ahaanshiyaha  go’aanka madaxweyne Siilaanyo uu ka qaatay labada doorasho iyada oo loo saari doono guddi sharciyaqaanno ah .

Waxay si dhab ah u hirgeylaysaa  muddo kordhin loo sameeyo aqalka wakiilada marka ay aqbalaan golaha Guutida, iyadoo madaxweyne Siilaanyo uu ka codsaday Golaha iney taageeraan go’aankan uu ka qaatay kala qaadista doorashooyinka Somaliland.

Goobjoog News