U bood dhigaalka

Saciid Haybe “Hadafkeena Xulka Qaranka Waa In Gaarnaa Kaalamaha Hore Ee Caalamka ”

Sheeko:Cayaaraha

Falanqeeyaasha Ciyaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay wax qabadka iyo natiijooyinka wanaagsan uu keenay maamulaha Xulka Qaranka Soomaaliya Saciid Cabdi Haybe oo u dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay markii jagadaas ay u magacaabeyn Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

“Qorshayga mustaqbalka dhaw ee Xulka Qaranka waa in aan gaarnaa kaamaha hore ee caalamka,taasna waxaan u u adeegsan-doonaaaa ciayartooy kala duwan ee ku nool Soomaaliya iyo caalamka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramaya Saciid Cabdi Haybe oo ah maamulaha Xulka Qaranka Soomaaliya.

“ Waa wadni dhab macallin Saciid wuxuu Soomaaliya gaarsiiyay guul weyn oo taariikh qof kasta ayaa ku faanaya dhacdadaas waan geest u soo baxay Qaranka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Abuukar Maxamed Sheekh oo Guddoomiyaha kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club

“Ma dhicin weli taariikhda in Xulka Soomaaliya ayaa lugta kowaad guul gaarto tartanka is reeb reebka koobka aduunka, balse arintaas waxay ku timid shaqada wanaagsan uu qabtay maamulaha Xulka Soomaaliya Saciid Cabdi Haybe ” waxaa sidaas Goobjoogs Sorts ugu waramay Cabdullahi Faarax Daguur oo ka mid ah falanqeeyaasha ciyaaraha Soomaaliya.

Halkan Ka Aqriso Sanad Ka Dib Wixii U Qabsoomay Macallin Saciid

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/warbixin-maxaa-u-qabsoomay-maamulaha-xulka-qaranka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle