U bood dhigaalka

Sacuudi Carabiya iyo Qatar Oo Ku Heshiiyeen in Dib Loo Furo Hawada iyo Xuduudaha

Sheeko:Amniga

Hishiis Horudhac ah ayaa laga gaaray khilaafka u dhexeyay dowladdaha Sacuudi Carabiya iyo Qatar kaas oo sanadihii lasoo dhaafay ka dhex aloosnaa labadda dal, waxaa lagu waddaa in lasoo afjari gabi ahaanba xiriirkii xumaaday, iyada oo lagu waddo in lagu saxiixo Sacuudi Carabiya sida ay sheegeen sarkaal sare oo katirsan maamulka looga guuleeystay doorashaddii Mareykanka ee uu hogaamiyo Trump.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan hormar ka gaarnay khilaafka Golaha Iskaashiga Khaliijka.”
Heshiiska ayaa dhigaya in Sacuudi Carabiya, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ay xayiraadda ka qaadi doona Qatar, hallka Doha-na ay tuuri doonta mad-madowga kala dhexeeyo gobolka.
Sacuudi Carabiya ayaa furaysa hawada iyo xadka ay la wadaagto Qatar, ayuu yiri wasiirka Kuwait. Qatar ayaa Isniintii sheegtay in amiirkeeda uu ka qeyb geli doono shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha gobolka.

xafiiska Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay: “Amiirka dalka waxaa uu ka qeyb gaalayaa asiga iyo wafdi dowladda Qatar kulanka Golaha Iskaashiga Khaliijka”

Dhanka kale Wasiirru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “shaqooyin badan ayaa na horyaalla, waxaana ku dhaqaaqeynaa wadada saxda ah”.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa laga soo xigtay ” Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka wuxuu noqon doonaa mid loo dhan yahay oo horseeday midnimada gobolka iyo hortagga caqabadaha ee ka jira gobolkeenna” sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ay maamusho Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xiganeysa saraakiil sar sare , Lataliyaha sare ee Aqalka Cad Jared Kushner ayaa gacan ka gaystay wadda xaajoodka hishiiska, hogaamiyaasha dalalka ayuuna kula hadlay qadka telefanka ilaa waaberigii subaxnimadii Isniinta”.

Si kastaba dunida oo dhan ayaa isha ku heyso soo afjiradda khilaafka soo jiitamaayay sannadihii ee u dhaxeeyay wadamaddda Goobolka, waxana gacan ka geystay dolwadda Mareykanka.