U bood dhigaalka

Sacuudiga: Hantiileyaal Ay Ka Mid Yihiin Bin Dhalaal Iyo Madaxii Diiwaanka Oo La Sii-daayey

Sheeko:Dalka

Madaxda dalka boqotooyada Sacuudiga ayaa sii daayey tiro ka mida ganacsatada iyo shakhsiyaad caan ah kuwaasi oo loo heystay arrimo ku saabsan Musuq sii-deynta dadkan ayaa timid ka dib markii ay bixiyeen lacago.
Dadka la sii daayey waxaa ka mida Waleed bin Ibrahim Al Ibrahim oo ah milkiilaha Telefshinka MBC, Khaled Al Tuwaijry oo isna ahaa madaxii diiwaanka boqor Cabdullahi Binu Cabdi Caziiz.
Ilaa iyo hadda lama-garanayo inta ay la egtahay lacagta lagu siidaayey dadkani.
Madaxda Sacuudiga ayaa waxay xirxireen afartii November toban qof oo is kugu jira amiirro,wasiirro,ganacsato kuwaasi oo lagu eedeeyay musuq, waxaa uuna magacaabay boqor Salmaan Binu Cabdul Caziiz guddiga la dagaalanka Musuqa.
Qaar ka mida dadkii la xirxiray ayaa la siidaayey ka dib markii ay bixiyeen lacago, waxaana ka mid ahaa amiir Mutcab Binu Cabdullahi kaasi oo in ka badan xirnaa sddex todobaad markii ka dib markii lagula heshiiyey inuu bixiyo in ka badan Hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

November 5, 2017, waxaa ammaro uu bixiyay dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan xabsiga lagu dhigay hantiilayaal iyo wasiirro Sacuudiga magac ku leh.

Goobjoog News