U bood dhigaalka

Sacuudiga oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Dalka Yemen iyo Qaxootiga Soomaalida oo Sugaya Balanqaadkii Dowladda

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay Talaadada laga bilaabo in ay joojinayaan duqeynta si loo dardargaliyo arimaha Banii’aadamnimada.

Xabad joojinta ayaa ku kooban shan maalin oo kaliya, arintan ayaa timid kadib markii dowladda Sacuudiga si iskeed ah xabad joojin ugu dhawaaqday, taas oo looga golleeyahay in la ogolaado sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka gudaha Yaman ku dhibaateysan.

Dowladda Sacuudiga ayaa shuruud ku xiray Xabadjoojinta, Sacuudiga waxa uu shaaciyay Haddii aysan Xuutiyiinta dhankooda Xabdda joojin, inaysan xabad joojinta sii jiri karin. Waxaana meesha ka bixi karto fursadda gargaarka lagu gaarsiinnayo dadka ay gaajada ku hayso gudaha dalka Yaman.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo isaga iyo Wasiirka arimaha dibadda Sacuudiga ay shir Jaraa’id ku wada qabteen magaalada Paris ayaa sheegay in xabad joojinta uu Sacuudiga ku dhawaaqay ay bilaabaneyso maalinta loogu talagalay.

Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa duqeeyay galabtii Jimcaha magaalada Sacda kadib markii ay dhamaatay waqtigii ay u qabteen dadka deegaanka in ay magaaladaas uga baxaan.

Soomaali badan oo Qaxooti iyo deegaan ah ayaa ku go’doonsan dalka Yemen, Dowladda Soomaaliya oo horay u balan qaaday Maraakiib iyo Diyaarado ayaan wali dirin.