U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Askar Looga Dilay Xaduudka Yeman

Sheeko:Dalka

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in  6 askari looga dilay Xaduudka ay la leedahay Yeman.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii wakaaladda wararka Sacuudiga ay baahisay warar kala duwan oo ku saabsan askarta la dilay.

Wakaaladda ayaa sheegtay in labo askari lagu dilay Jizan waxaa sidoo kale askari saddexaad lagu dilay Al Khubah.

Tan iyo bishii Maarso ee 2015,kii Sacuudiga waxaa uu hogaaminayey Isbaheysi Millatari oo ka dhan ah kooxaha Xowthiyiinta uuna ku taageerayo dowladda Yeman.

Isbaheysigan ayaa fariisimo badan oo ay leeyihiin Kooxaha Xowthiyiinta waxaa ay ka fuliyaan duqeymo ay waxyeello ka soo gaarto inta badan dadka shacabka ah.

Goobjoog News