U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Dhinacyada, Amaniga, Dhaqaalaha Iyo Siyaasadda Ka Taageeraya Libya

Sheeko:Dalka

Wasiirk arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al-jabiir ayaa muujiyey in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu taageero siiyo xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya.

Al-jabiir ayaa sheegay in Libya ay ka taageerayaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga gaar ahaan dhinaca la dagaalanka argigixisada.

Hadalka A-jaabir ayaa yimid ka dib markii isaga iyo Faa’is Siraaj oo ah madaxa xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya ay ku kulmeen magaalada Jiddah ee cariga Sacuudiga.

Libya ayaa fowdo amni ay ka jirtaa tan iyo markii uu geeriyooday Mucamar Al-qadaafi waxaana waddanka isku haysta kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Daacish.

 

Goobjoog News