U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Doonaya In Ciidamo Uu U Diro Suuriya

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Jabiir ayaa sheegay in hadda Sacuudiga iyo Washington ay u socdaan dodo ku saabsan ciidamada la doonayo in la geeyo  bariga Suuriya iyo meelaha ay ka imaanayaa.

Caadil ayaa ka jawaabay su’aal aheyd  in madaxweyne Trump uu doonayo in  ciidamo ka socda dowladaha carabta loo diro Suuriya si loogu badalo ciidamada Mareykanka ee ku sugan halkaasi lacagtana ay bixiyaan dowladaha Khaliijka, waxaa uu sheegay Caadil in arrintaasi ay jirto ka doodisteedana ay iyaga iyo Mareykanka ay u bilaabatay bilowgii sanadkan.

Caadil Jabiir ayaa sheegay in ciidamo dirista Suuriya ay horay uga wadahadleen madaxweynihii hore Mareykanka Obama  Sacuudigana uu ku fakarayey in uu qeyb ka noqdo dowladaha doonaya in ay ciidamo u diraan Suuriya, fikradaana aysan aheyn mid cusub.

December, 2015 waxaa la dhisay Isbaheysi oo uu hoggaaminayo Sacuudiga kana kooban 41 dowladood, oo ka midyihiin dowladaha Khaliijka, Turkiga, Pakistan, Masar iyo Maleysia.

Dhanka kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo kulan la yeeshay Jabiir waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in xal siyaasadeed loo helo dhibaatooyinka ka taagan gobolka.

Goobjoog News