U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Ku Hanjabay In Ay Nuclear Sameysan Doonaan

Sheeko:Dalka

Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna wasiirka difaaca  Amiir Maxamed Binu Salmaan, ayaa sheegay in dalkiisa uu horumarin doono hubka Nuclear-ka, haddii Iran oo gobolka kula tartameyso ay sii heysato hubka Nuclear-ka .

Salmaan oo wereysi siinayey barnaamijka 60-ka daqiiqo ee ka baxa telefishinka CBS, ayaa sheegay in Sacudiga uusan dooneynin xilligan in uu helo Nuclear, balse waxa uu caddeeyay in Iran haddii ay sii horumariso barnaamijkeeda Nuclear-ka in Sacuudiga uu si degdeg ah uu ku sameysan doono Nuclear.

Iran ayaa hoos u dhigtay awoodaha barnaamijkeeda Nuclear-ka, ka dib saxiixii heshiiskii ay la gashay dowladaha waaweyn sanadkii 2015-kii, balse madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey in Mareykanka uu ka bixi doono heshiiskan.

Sacuudiga ayaa kula tartamayo awoodda bariga dhexe muddo dheer Iran, sidoo kale labadan dowladood ayaa kaalin weyn ka ciyaara loolanka ka socda bariga dhexe iyaga oo maal-geliya kooxo ka dagaalama dhowr dowladood.

Goobjoog News