U bood dhigaalka

Sacuudiga oo Magdhaw Ka Biixiyay Dadkii Ku Dhintay Wiishka

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga ayaa Magdhaw ka bixinaya dadkii ku dhintay Wiishka Xaramka halka guddiga loo saaray in ay baaraan dhacdadaas ay meesha ka saartay in uu jiro dil ula kac ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in boqorka Sacuudiga uu ogalaaday in la siiyo dadka dhintay Lacag dhan 1 Milyan oo Riyaal halka dhaawacyada ay siin doonaan nus Milyan Riyaal, waxaa intaa dheer labo ka mid ah qaraabada dadkaas Sacuudiga martigalin doono 2016-ka.

Waxaa xusid mudan in Wiishka wax dilay ay lahaayeen reer Binu Ladin, qoyskaas oo qandaraas ku qaatay dhismaha Xamarka.

Dadka goobta waxyeellada kasoo gaartay waxaa ay ka soo kala jeedaan dalalka Iran, Turkiga, Afgaanistaan, Masar iyo Pakistaan.

Goobjoog News