U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Sharaxay Sababta Ay Soomaaliya Ugu Soo Celiyeen 27,000 oo Adhi ah

Sheeko:Dalka

Qoraal ay soo saartay wasaaradda bey’adda, biyaha iyo beeraha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay soo celiyeen xoolaha Soomaalida kadib markii ay ka heleen qandhada Rift Valley Fever (RVF)

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qoraalka wasaaradda:

Iyada oo la tixraacayo amar No 7/b/16377 ee 11/11/1409 H, kuna saabsanaa in la ilaaliyo caafimaadka xoolaha dalka la keenayo  iyo iyada oo la tixraacayo xeerka caafimaadka xoolaha ee Khaliijka iyo laanta fulinta ee Boqortooyada Sacuudiga  ee golaha wasiirrada No 109 ee Taariikhda 30/4/1424 H, waxaa la baaray xoolo saarnaa markabka(Alpha Livestock 19) kaas oo ka yimid Soomaaliya, oo ay saarnaayeen 27,000 oo adhi ah, oo ay lahaayeen shirkadaha Maxamed Xamuud, shirkadda Xamud Maxbuub Qurashi iyo shirkadda dhashii Maziid Shalwi, waxaa soo baxdey:

1. In xoolaha ay qabaan qandhada Rift Valley Fever (RVF)

2. Waxaana la amray in lagu celiyo halkii ay ka yimaadeen.

July 2, 2018 ayey Sacuudiga xayiraadda ka qaadeen xoolaha Soomaaliya.

Goobjoog News