U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Shuruuda Ku Xiray Dadka Cumrada U Tagaya Dhulka Barakeysan

Sheeko:Amniga

Dowladda Sacuudi carabiya ayaa fasaxday dadka dalkeeda u imaanaya gudahashada waajibaadka Cimrada laga bilaabo kadib xayiraado mudda saarna dalkaas.

Sacuudiga ayaa sheegay in dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka Cimrada ay soo codsan karaan dal ku gal kooda, xilli ay ku xirtay shuruudo.

Xukuumadda Riyaad ayaa amartay in dadka doonaya in dalkeeda ay u yimaadan gudahashada acmaasha diiniga looga baahan yahay in ay noqdaan kuwa qaatay talaalka Corona Virus.

Sacuudiga ayaa horay u ogolaaday 60,000 qof in ay Cimrida u yimaadan, balse waxa ay hadda u ogolaatay dad intaas ka badan.

Goobjoog News