U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Si Buuxda U Furay Masjika Barakeysan Ee Kacbada

Sheeko:Amniga

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dib u fasaxday in si toos ah loogu tukado Maskidka barakeysan ee Kacbada.

Sacuudiga ayaa tan iyo markii uu soo bilabaamay xanuunka safmareenka Covid-19 waxa ay yareysay tirada dadka ku tukanaya maskidka kacbada.

Dadka ayaa tan iyo markii uu soo bilaawday corona virus, salaadda u tukanaya hab kala fogaan ah oo looga taxatarayo caabuqa in uu ku faafo.

Dowaldda Sacuudiga ayaa hadda fasaxday si siman loo oogo salaadda oo garbaha leysa saari karo, kadib mudda dheer oo dadka si kala fog ay u tukanayeen.

Goobjoog News