U bood dhigaalka

Saddex Arrimood Iska Fiiri Ka Hor Inta Aadan Gadan Laptop Cusub

Hadaad dooneysid inaad iibsato Labtop cusub waxaa jira in fara badan oo ka mid ah qalabka Tikniloojiyadda kuwass oo hadda laga heli karo suuqyada caalamka iyo ku kala fadhiyo qiimo kala duwan.

Hadaba inta aadan gadan Laptop cusub waxaa waa jib kugu ah inaad raacdo saddexdaan qodob .

  1. Inaad iska fiiriso adeegga Cpu oo ku shaqeeyo Laptopaaga cusub oo aad gadaneyso
  2. Waa inaad xadido astaamaha munaasibka ku ah Laptopka aad dooneyso, ka hor inta aadan iibsan Laptopka waxaad iska fiirisaa astaamaha ku haboon Laptopka sida inaad iska fiiriso Cpuga Laptopka inta uu la egyahay Megabaykiisa iyo awoodda uu u leeyahay inuu keydiyo macluumaad badan.
  3. Ka hor inta aadan gadan Laptopka waa inaad dajisaa lacagtii ku bixi laheyd ama aad ku soo gadan laheyd, lacagta aad haysto waxaa lagu tiriyaa arrimaha ugu muhiimsan eek u xadidaya ka hor inta aadan suuqa aadin oo aadan waxba soo gadan, marka waa inaad dajisaa miisaaniyaddii aad ku gadi laheyd laptokaga cusub.

Goobjoog News