Saddex Ka Tirsan Booliiska Maraykanka Oo La Dilay

Nin hubeysan ayaa dilay Saddex ka tirsan ciidamada Boliska gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka xilli ay shaqo ku jireen, iyadoo isla halkaana lagu dilay ninkii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegatay in nink la dilay uu ahaa American ka soo jeeda qaaradda Africa oo dhowrsano la shaqeynayey ciidamada Dalka Mareykanka.

Illaa iyo hadda Ma cadda in weerarkani uu la xiriiro dhacdo tan la mid aheyd oo lagu toogtay ciidamo Bolis ah taas oo ka dhacday Minnesota.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama oo arrintan ka hadlay ayaa ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

Obama ayaa sheegay weerarada lagu hayo ciidamadda Boliska uu la macno yahay weerar lagu qaaday dhammaan Mareykanka oo dhan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW