U bood dhigaalka

Saddex Qodob Oo Looga Hadlay Kulankii Maanta Ee Aqalka Sare?

Sheeko:Dalka

Mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah.

Waxaa kulankii maanta shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) waxaa soo xaadiray 30 mudane.

Kulankan oo ahaa midkii 14-aad, Kalfadhigga Labaad ee aqalka sare ayaa ajendaha wuxuu ka koobnaa Saddex qodob oo kala ah.

  • Amniga Golaha Aqalka Sare

Mudanayaasha aqalka sare ayaa ka hadlay amnig golaha, waxaa into qodobkaan laga hadlayey dibadda loo saaray saxaafadda, iyadoo aan la ogeyn wixii la isku af gartay.

  • Wax Ka Bedalka Xeer Hoosaadka Aqalka Sare

Mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood ka yeeshay  wax ka bedalka heer hoosaadka aqalka, iyaga oo soo jeediyey qodobada kala ah:

B: Qodobka 26-aad oo ah in awood loo siiyo golaha ansixinta miisaaniyadda qaranka, dood kadib cod ayeey u qaadeen mudanayaasha, waxaana aqbalay 30 mudane, ma jirin cid ka aamustay iyo cid diiddey.

T: Qodobka 27-aad oo isna ah in golaha awood loo siiyo ansixinta xukuumadda, dood dheer kadib xildhibaannadu waa ay ku kala qeybsameen, waxaana la isla gartay in dib loo dhigo si loogu raadiyo sifo sharci ah.

  • Muddo Kordhinta Kalfadhigga Labaad

Mudanayaasha aqalka sare ayaa sidoo kale ka doodey maanta oo Axad ah, muddo kordhinta Kalfadhigga Labaad ee golaha, waxaana la geliyey cod gacan taag ah, iyadoo ay aqbaleen 27 mudane, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Kulanka aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ayaa maanta sidaasi kusoo gabagaboobay.

Goobjoog News