U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen Saddex qof kadib markii uu soo ritey cudurka shuban biyoodka.

Deegaankan oo hoostaga degmada Jowhar ee xarunta Shabellaha Dhexe, ayaa wararku waxay sheegayaan in sidoo kale cudurkaasi ay la il daran yihiin Tobaneeyo kale.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Shabellaha Dhexe, Cabdalla Cismaan ayaa soo sheegaya in dadka qaar ee xanuunkan uu soo ritey la geeyey degmada Jowhar.

Sidoo kale wariyaheena ayaa soo sheegay in degmada Mahadaay uu isna cudurkan ka jiro, ayna isbitaal ku yaalla degmadaasi la jiifaan dad ka badan 10 qof.

Meelaha qaar waxaa adag in dadka loo helo dawo, iyadoo  laga baqayo in cudurka uu sii baaho.

Dadka ku dhaqan deegaannada cudurka Shuban biyoodka ka jiro ayaa kuu sheegay sababta ugu weyn iney tahay dadka oo cabay biyo wasaqeysan maadaama deegaannada qaar uu wabigii biyo yareeyay.

Goobjoog News