U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Goor Dhaw Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Saddex qof oo shacab ah ay ku dileen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wariyaheena Gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana dilka dadkaasi shacabka ah ay la xiriirto aano qabiil oo ku aadan dagaalladii ka dhacay deegaanka Dharkeyn Geeno ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dilka dadkaasi kadib ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka billowday rabshado xooggan, iyadoo shacab arrintaasi ka carreysan ay magaaladaasi isugu soo baxeen.

Ciidanka Booliiska ayaa ku baxay rabshadahaasi waxaana ay doonayaan in xaaladdu qaboojiyeen.

Dagaal beeleed ka socda gobolka Sool ayaa sabab u noqday in la dilo shacab badan oo aan waxbo galabsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News