U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaalada Baaladweyne, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay goob ay maleeshiyaad hubeysan gaaadiidka lacago uga qaadi jireen, waxaana halkaasi la sheegay in Saddex ruux ay ku geeriyootey iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Goob jooge ka dhow halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in mar qura ay maqleen dhawaqa qaraxa,  sidoo kalena uu arkay meydadka Saddexda ruux ee qaraxan ku dhimatay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee goobta qaraxu uu ka dhacay ayaa gaadiidka waxaa looga qaadi jirey lacago la sheegay in aaney sharci ahayn, iyadoo maleeshiyadan ay ahaayeen kuwo madax bannaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News