U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootey Rasaas Ay Fureen Ciidanka DFS, Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar ay goor dhow heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa halka loo yaqaan Al-birri oo ku dhow deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidankaan ay wadeen howlgal burburin ah, hase ahaatee ay kusoo baxeen dadweyne badan.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Saddex ruux oo kala ahaa Labo haween ah iyo canug yar oo ay haystay mid ka mid ah haweenka dhintay, waxaana dhaawacmay ruux kale.

Goobta falkaan uu ka dhacay waxaa hadda ka socda dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan shacab ka carreysan falkaan dhacay.

Dhanka kale, meydadka Saddex qof ayaa loo qaaday xarunta CID ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu baari doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News