U bood dhigaalka

Safaaradda Sacuudiga ee Iran oo Dab La Qabadsiiyay, Sacaado Kadib Markii Lala Wareegay

Sheeko:Dalka

Dad careysan ayaa saaka gudaha u galay lana wareegay Safaaradda uu Sacuudiga ku lahaa magaalada Tehran ee Caasimadda Iran, waxaa kaloo la sheegayaa in Calanka Sacuudiga dhulka la dhigay.

Dadkan ayaa ka careysnaa rag Shiico ah  oo ka mid ahaa dadkii lagu toogtay sabtidii dalka Sacuudiga kadib markii lagu helay falal lagu sheegay argigixiso.

Sacuudiga ayaa toogtay Sheekh Nimr, waxaa ninkaa dartii dibad baxyo looga dhigay meelo badan oo ka tirsan Iran, Ciraaq iyo Xitaa Sacuudiga dhankiisa bari.

Toogashadaas kadib, wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in ay dhaleeceyneyso dilka Nimr halka Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay bateeda Twetterka ku qortay in ay la yaaban tahay Iran oo argigixiso dilkeeda ka xumaaneysa.

Sacuudiga iyo Iran waxaa ay is dhaafsadeen eedeymo, Sacuudiga waxaa uu Iran ku tilmaamay in ay taageerto argigixisada, isagoo intaa ku daray in dalkaas uu hoy u ahaa hogaamiyeyaasha Al-qa’ida 2001-dii.

Sacuudiga waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sababta Iran uga hadlayaan dadkan Sacuudiga ay toogteen halka Iran ay sanad walbo disho Boqolaal weliba si sharci darro ah.

Goobjoog News