U bood dhigaalka

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo deeq gaarsiisey isbitaalka Banaadir

Sheeko:Caafimaadka
Chinese Ambassador to Somalia Wei Hongtian
Chinese Ambassador to Somalia Wei Hongtian

Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa waxaa la gaarsiiyey gargaar kaga timid safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Sida ay tabisey wakaaladda wararka ee Shinhaaw (Xinhua) deeqda ayaa waxa ay ka koobneyd raashiin, cabitaan, dawo, iyo fuustooyin shidaal ah si matoorka isbitaalka loogu isticmaalo.

Isbitaalka Banaadir ayaa waxaa dhisey dowladda Shiinaha sanadkii 1977-kii markii uu dalka ka dhashay kacaanka ciidamada.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei Hongtian ayaa deeqdani ku wareejiyey wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

“ Isbitaalka waxaa dhistey dowladda Shiinaha sanadkii 1977-kii, dhaqaatiir Shiinees ah ayaana ka shaqayn jirey muddo aad u dheer si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed, tanina waa astaan saaxiibtinimo oo wanaagsan oo ka dhaxaysa labada dad iyo labada shacab” ayuu yiri safiirka.

Safiirka oo ku hadlaya Af-Soomaaliga ayaa sheegey sheegey in dowladda Shiinaha ay ka go’antahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

Ku simaha wasiirka caafimaadka Axmed Aadan Axmed oo qaabiley deeqda ayaa u mahadceliyey dowladda shiinaha.

Waa markii labaad mudo bil gudaheed ah ay dowladda Shiinaha deeq gaarsiiso dowladda Soomaaliya, 2-dii bishan November waxa ay dowladda Shiinaha ku yaboohdey illaa $20 kun oo doolar oo loogu talogalay gurmadka abaaraha.

Goobjoog News