U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Furtay Xafiis Cusub Oo Ka Shaqeyn Doona Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya ayaa lagu soo kordhiyay Xafiis cusub oo ka shaqeyn doona arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalkaasi Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo saxaafadda kula hadlay xarunta safaaradda ee Nairobi ayaa sheegay in xafiiskani uu muhiim u yahay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Xafiiskan waa midka xiriirka qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo dowladda Soomaaliya, waxay xaruntiisa ahaan doontaan safaaradda, ulajeedka aan xafiiskaan u furnay ayaa ah sidaad la socotaan waxaa jiray heshiis Seddax geesood ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR, waxaan rabnaa maadaama dad badan oo dhowr Boqol oo Kun qof Soomaali ah qaxootina ku ah wadanka, qaarna xeryaha joogaan kuwana magaalooyinka ku sugan in loo sameeyo xafiis, kaasi oo sida ku qoran heshiiska ay tahay in laga sameeyo halkaan, si uu u xiriiiriyo dadka Soomaaliyeed baahidooda iyo dowladooda, waxaan rabnaa inuu xafiiskaan qabto shaqada ay dadkaasi u baahanyihiin” ayuu yiri safiirka

Gudoomiyaha hay’adda qaranka Qaxootiga Soomaaliyeed Axmed Cabdikariin Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin isna waxa uu ka bixiyay waxyaabaha uu xafiiskani qaban doono iyo muhiimadda uu leeyahay.

“Waxay cadeynaysaa sida dowladda Soomaaliyeed uga go’an tahay dadkeeda inay gacan siiso, iyadoo cid walba oo baxaysa wixii ku baxayana laga fulinayo halkaan, marka qeyb ka mid ah shaqadaasi waxaa xafiiskan, waxaan u rajeynaynaa dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah halkaan, ama cid walba oo dooneysa dalkeeda inay ku noqoto inay kala soo xiriiraan xafiiskaan iyaga oo halka xiriirka ah ay soo weydiisan karaan safaaradda”

Furitaanka xafiiskaan waxaa baahi weyn u qaba dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka waaweyn, iyadoo ay rajeynayay dadkani in wax badan uu ka qabto arrimaha qaxootiga, gaar ahaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan dalka Kenya.

Goobjoog News