U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Uganda oo Ku Guuleystay Soo Celinta Muwaadiniin Ku Xayirnaa Dalkaasi

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dib looga celiyay magaalada Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada caalamka.

Muwaadiniyiinta oo tiradooda gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkan Uganda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ay gacan weyn ka geysatay Muwaadiniyiinta in dib loogu celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe kaddib markii Muwaadiniyiintan ay Safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib looga celiyo, iyadoo safaardda ka jawaabtay codsiga Muwaadiniyiintaas.

Haddaba qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka caalamidga ah ee Entebbe oo ka hadlay dareenkooda ku aadan inay dalkii dib ugu laabtan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, ayna uga mahadcelinayaan Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan.

84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aysan halkan ka safrin. Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ayaa sido kale waddo dadaalo dib looga celinayo muwaadaniinta kale oo ku xaniban dalka Uganda.

Intaas kaddib Muwaadiniinta ayaa maanta gelinka dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka inta hartayna ay u gudbeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda Gobolka Nugaal iyo dowlad Goboleedka Puntiland.

Goobjoog News