U bood dhigaalka

Safar la Filayo in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka uu ku Tago Bariga Dhexe

Sheeko:Dalka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka mudane Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu toddobaadka soo socda u safro waddamada Masar, Kuweyt, Urdun, Lubnaan iyo Turkiga. Sida ay masuuliyiin iyo dibloomaasiyiin reer Maraykan ah u sheegeen warbaahinta Al-monitor, safarkani waxa uu xoogga saari doonaa xasilinta iyo dibudhiska, ka dib markii Dawladda Islaamiga ah “IS” ciidan ahaan loo jebiyey, badanka dhulkii ay gacanta ku hayeenna laga la wareegey.
Tillerson waxa uu marka kowaad booqan doonaa Masar waxa uuna la kulmi doonaa masuuliyiinta sarsare ee dalkaas. Ka dib, sida laga soo xigtey Safiirka Maraykanka ee Kuweyt, waxa uu u gudbayaa waddanka Kuweyt si uu uga qaybgalo labo shir oo halkaas ka dhacaya 12-14 Febraayo. Kan kowaad waa Shirka Caalamiga ah ee Kuweyt ee Dibudhiska Ciraaq. Kan labaadna waa kulanka Wasiirrada Isbahaysiga Jebinta Dawladda Islaamiga ah.
Kuweyt ka bacdi, Tillerson waxa uu u sadcaalayaa Urdun, halkaas oo uu sida la filayo ku saxeexi doono heshiis Is-afgarad oo ku saabsan gargaar iyo caawimaad muddadeedu 5 sanno tahay oo uu Maraykanku siin doono Urdun. Intaas ka dibna, Xoghayuhu waxa uu safar hal maalin ah ku tegi doonaa Lubnaan.
Ugu danbayntii, Tillerson waxa uu tegi doonaa dalka Turkiga, halkaas oo ay masuuliyiinta labada dal ku lafaguri doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay duulaanka uu Turkigu ku qaaday Suuriya si uu xuduudda uu dalkaas la leeyahay uga sifeeyo Jabhadda SDF ee Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko urur argagaxiso oo halis ku ah xasiloonida iyo ammaanka reer Turkey. Arrintan ayaa keentay ismaandhaaf Maraykanka iyo Turkiga u dhexeeya maaddaama oo uu waddanka USA taageero isla markaana hubeeyo Jabhadda SDF. Turkigu waxa uu Maraykanka marar badan ka codsaday in uu joojiyo taageerada jabhaddaas iyo in uu ciidankiisa Manbij ku sugan halkaas kala baxo, si looga fogaado iskudhac dhexmara ciidamada Turkiga iyo Maraykanka.

Goobjoog News