U bood dhigaalka

Safarka Dib-u-heshiisiin Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Cadaado Gaaray

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo ka yimid magaalada Galkacyo ayaa caawa ku sugan Cadaado, magaalo madaxda KMG ah ee Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Galmudug, wasiirro xukuudadda federaalka ah iyo Galmudug, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya iyo shacab badan  ayaa lagu arkayey Cadaado gudaheeda.

Madaxweyne Farmaajo oo Cadaado booqanaya markii 2aad, waxaa lagu wadaa in halkaasi kula kulmo madaxda maamulka, siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Socdaalkan oo dib u heshisiin loogu magacdaray waxaa lagu wadaa in uu caawa berri uu madaxweyne Farmaajo tago Dhuusa-mareeb halkaasi oo lagu dhameystirayo heshiska maamullada Galmudug iyo Ahlu sunna.

Wararka ku saabsan booqashada Madaxweynaha mar walbo kala soco, Goobjoog News