U bood dhigaalka

Safarkii Madaxweyne Erdogan Ee Muqdisho Iyo Heshiisyadii La Kala Saxiixday (Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa soo garay magaalada Muqdisho Jimco 3 June 2016 iyadoo si diiran loo soo dhaweeyay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cisman Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar, xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladda Federaalka, madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, waxaana jiray kumanaan shacab ah oo caleemo qoyan u ruxayey madaxweynaha Turkiga kuna soo dhaweynayey magaalada Muqdisho.

Intaasi ka dib ayaa wafdigan waxaa loo galbiyey dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasi ah kan ugu weyn ee safaaradeed Turkiga caalamka ka dhisto.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Turkiga ayaa si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee safaaradda Turkiga, iyaga oo hadallo dhiirigelin ah ay halkaasi ka jeediyeen.

Sidoo kale waxay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis ka kooban 9 kuwaasi oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya Labada dal, waxaana lagu heshiiyay:-

Canshuraha, iskaashiga Xanaanada Xoolaha, la socodka iyo kobcinta arimaha maalgashiga, xiriirka wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo wakaaladda wararka Turkiga Anadol, dhinaca tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Arrimaha iskaashiga waxbarashada, arimaha caafimaadka, dhinaca tamarta iyo macdanta, shaqada iyo shaqaalaynta.

Hadaba madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo hadal jeediyey heshiiska kadib ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Turkiga, wuxuuna sheegay in lasii xoojin doono xiriirkaasi.

Madaxweyne Erdogan ayaa soo hadal qaaday mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hirgelin doonaan, sida inay dhisi doona waddo 10 km, xarumo waxbrasho iyo mashaariic kale oo muhiim ah.

Waxa uu tilmaamay in dalka uu dib ugu soo laaban doono mar kale, sidoo kalena Labo Sano gudahooda lagu dhameystiri doono dhismaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

“Sidaan horayba ugu imaan jiray wafdi aad u ballaaran ayaan maanta ugu imid, waxaan rabaa inan idiin sheego markaan waa markaygii Saddexaad, waxaan arkaa in Soomaaliya horay u socotay oo wax badan u qabsoomeen, 2015 waxaan furnay Isbitalkii loogu tala galay waxbarashada iyo caafimaadka, maantana waxaan haatan furnay safaaraddii aan halkaan ku lahayn oo dhismaheedu dhan yahay”

“Sidaan xafaladdii furitaanka ku sheegay safaaraddan aan furnay waxay ugu weyntahay kuwa aan caalamka ku leennahay, waxaan dhex taagannahay dhismaha safaarad u qalanta dalka aan kasoo jeedno, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo kan ku xigeenka Turkiga inta aan ku jirnay kulanka ay aadeen furitaanka Isbitaal qaadaya 150 qof, waxaa la socotay Turkish Airweys oo xaalad farsamo uga maqneyd Muqdisho ay maalmo kadib timid, inta aan annaga imaan waxaa Muqdisho yimid Markab sida 11 kun tan oo raashin wada, sidoo kale Iskuul loogu talagalo galay farsamada ayaa halkaan lagu diyaariyey maadaama aan la firaashin darteed ayaan u go’aansannay in furitaanka lagu darin laakiin shaqo wanaagsan ayeey qabteen,

“Bisha Ramadan gudaheeda waxaan usoo diri doonnaa markab raashiin ah oo wax looga qabanayo abaaraha gobollada Somaliland iyo Puntland, waxaan kaloo rabaa in halkaan aan ka sheego dhismaha baarlamaanka Soomaaliyeed oo aan hadda dhameynay Project-yadiisa oo waqtiga ugu dhaw la billaabi doono gaari doona muddo Labo Sano ah walibana umadda Soomaaliyeed u hadiyadeen doonno, howshaasi waxaa ka wada hay’adda TIKA iyo Turki, waxaa kaloo socda magaalada Muqdisho in loogu daro waddooyin kale oo 10 KM, waxaan sii wadi donna sidaan Soomaaliya u caawineynay sanadihii lasoo dhaafay, qaar ka mid ah dadka adduunyada ku nool markii aan nimid 2011 inaan maalmo ka tagno markii aan imaanno laakiinse taasina ma dhicin, annaga shaqada halkaan aan ka hayno feker wanaagsan annaga oo wadna ayaan haysannaa, Safaalkii Heshiis ee halkaan lagu galay waxay xoojin doonaan xiriirka Labada Dal, dhammaan markaad eegto waa waxyaabo keenaya keenaya inuu xoogeysto xiriirka Labada dal, waxaan rajeynaynaa in caalamka dadka ku nool ay fikirkaan oo kale qaataan, dalkaan waxaa ka jirta doorasho bilaha soo aadan, waxaan u rajeynayaa in doorashada si nabad iyo barwaaqo ay ku dhamaato, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya dhibaato badan kasoo gudubtay kuwa dhimanna ka gudbi doonto, Labo maalin kahor waxaa Muqdisho ka dhacay weerar argagaxiso ah, waxaan u tacsiyadeenayaa dowladda iyo shacab Soomaaliyeed, waxaan rabaa in si gar ah aan halkaan uga mahadceliyo shacabkii u badnaa haweenka u taagnaa soo dhaweynteenna waddooyinka inan u mahadceliyo, Shan sano kahor wixii lagu hamminayey waxaan arkaa inay suurtowday, waad mahadsantihiin ilaahay hana amaansado” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa hadal uu jeediyey ku ammaanay dowladda Turkiga sida hagar la’aanta ah ee ay u daba socoto shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne sida aad tiri dadka haddii ay go’aan gaaraan oo ay horay u dhaqaaqaan ilahay wuu aqbalaa wixii ay u dhaqaaqeen wey qabsan karaan, Soomaaliyana go’aan ayeey gaartay horay ayeeyna u dhaqaaday, Labadii jeer ee aad timid waxay Soomaaliya u ahayd taariikh cusub oo billow ah iyo tallaabo cusub oo laga gudbayey, dadkii oo gaajo u dhimanaya ayaa timid, waxaad mar kale timid dadkii oo kasoo kabanaya gaajadii oo horay u socda, maantana waxaad timid dadkii oo sii dhaqaaqay oo dalka dhismihiisa, doorashooyinka iyo dowladnimada dhismahaydii horay ugu sii dhaqaaqay, dhaqaaqaasi markaa Soomaaliya ay dhaqaaqday mudadii Shanta Sano illaa Lixda Sano lasoo dhaafay si gaar ah Afarta Sano ee lasoo dhaafay qeyb gar ah waxaa ka leh adiga ka madaxweyne ahaan iyo shacabka Turkiga”

“Taariikh weyn ayeey noo tahay dadka reer Turkiya markii ay jirtay dhibaatada baahida wey nala joogeen, markii aan soo kabaneynay oo ah inaan dhaqaano oo wax qabsanno rabnay wey nala joogeen, maanta oo dalkii u socda dhinaca Dimuqraadiyadda xaggeeda u dhaqaaqo oo doorashooyin dhacayaan muddo malmo naga xigto wey nala joogaan, intaas oo dhan waxay daliil u tahay sida adiga iyo dhacabka Turkiga ugu istaageen in Soomaaliya ay lugaheeda ku istaagto kaalmeeyaan, heshiisyada maanta halkaan lagu saxiixay, dhismaha safaaradda ugu weyn ee Turkiga caalamka ku leeyihiin ah, mashaariicda saacaddaan aan taagannahay madaxda Soomaalida iyo Turkiga furayaan iyo kuwa soo socda intaba waxay daliil u yihiin sida Turkiga Soomaaliya u garab taagan tahay, dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysatay in dalka ay ka dhigtay meel la imaan karo tahayna meel la maalgashan karo, waliba dhanka maalgashiga shirkadaha Turkiga yihiin kuwa qatar walbo usoo bareeray oo hantidooda keenay taasna waxay ahayd garab istaag walaalnimo”

“Dalka dhawaan doorashooyin ayaa ka dhici doona si nabad ah inay ku dhacaan ayaan rajeynaynaa, waxay Soomaaliya diyaar u tahay inay soo dhaweyso maalgashiga, Soomaaliya waa dal qani ah kheyraad iyo wax badan oo la maalgashado leh, waxaan aad u dhiira gelinaynaa guud ahaan caalamka, gaar ahaan ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maalgashadayaasha Turkiga inay fursadahan ka faa’ideystaan Soomaaliyana uga faa’ideeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu Dambeyn gelinkii dambe ee maanta madaxweyne Erdogan iyo xubnihii la socday ayaa dib uga laabtay magaalada Muqdisho, waxaana sii dhoweeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Waa markii Saddexaad oo magaalada Muqdisho uu safar ku yimaado madaxweynaha dalka Turkiga.

25 January 2015 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yimid magaalada Muqdisho, waxa uu xarigga ka jaray Terminalka Garoonka Aadan Cadde iyo sidoo kale Isbitaalkii Digfeer oo dib u habeyn lagu sameeyay, waxaana uu ballaan qaaday in magaalada Muqdisho ka fulin doonaan mashaariic ay ka mid tahay 10 kun guri oo magaalada lagu dhiso.

August 2011 Erdogan waxa uu yimid Muqdisho isaga oo Ra’iisul wasaare ahaa, waxaana uu usoo gurmaday in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed islamarkaana abaar baahsan ay haysay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Turkiga ku xusuusta waxqabad fara badan sida dib u dhiska Waddooyinka, Gargaarka, Xarumaha caafimaadka, iyo shirkado dalkaasi ah oo dalka maalgashaday, waxaana xusid mudan in garoonka Aadan Cadde iyo Dekadda Muqdisho maamulaan shirkado Turki ah.

Hoos ka daawo sawiradii soo dhaweynta

s17 s16 s15 s14 s13 s12 s11 s10 s9 s8 s7 s6 s5 s4

W/Q: Mohamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News