U bood dhigaalka

Safiir Tarsan : Farmaajo Iska Dhiib, Iskana Tag

Sheeko:Amniga

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamud  Nur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay mudda korhdinta uu sameystay Farmaajo isagoo u soo jeydiyay in uu isku casilo si dhaqso ah .

Tarsan ayaa Farmaajo ugu baaqay in uu san magaalada Muqdisho ka bilaabin dagaal , isagoo xusay in dagaalka uusan ku faa’idi donin.

” Haku dag dagin dagaal inaad gashid , Dagaal faa’ido malahan magaaladaan yuusan dagaal ka dhicin , sharciyadaada haku dambeysiinin dagaal iyo bur bur iyo kala tag  “.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo ay u furan tahay labo waddo oo keliya waxa uuna yiri ” Karaama iyo sharaf waddanka uga tag waxaan kaa rajeynaya berri markaad Baarlamaanka tagtid in aad iska dhiibtid oo tirahdid soomaaliyey waan soo shaqeyay afar sana soo shaqeyay waxaan rabay wanaag , waxaan rabay in aan waddanka dhiso , aragtideeda lahaa laakiin dadbaa i diiday , waddankiina sidaasan uga tagay ama qodob kale oo waa tartami Ra’iisul wasaaraha ha wado shaqada doorashada ha diyaariyo anne waa Tartami oo muwaadin oo tartamayaan ahay qof kuu diidi karo malahan .

 

Hadalka Tarsan ayaana yimid iyadoo Maanta Khudbad Farmaajo uu ka hor jeedin doono xildhibaanadii 12 April mudda kordhinta u sameeyay.