U bood dhigaalka

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo lacag ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameyeen (Sawiro iyo War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ayaa Dawladda Soomaaliya ku wareejisay deeq lacageed oo gaaraysa Labaatan Kun (US$ 20, 000 oo dollar), taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/qaadir Cabdi Faarax, ayaa deeqdan ka guddoomay Dannjiraha, waxana uu uga mahadceliyay sida Dowladda Shiinuu ay mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, iyadoo Soomaaliya ka taageertay arrimo ay ka mid yihiin beni’aadanimada iyo horumarka kala duwan, waxana uu intaa ku daray in dowladdu ay xaqiijin doonto in deeqdani gaarto halkii loogu talagalay.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa safiirka dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha, oo isagu muujiyay dhiiranaan iyo deeqsinimo ka dib markii uu jeebkiisa ka bixiyay lacagtan loogu talagalay dadka abaaruhu ku dhufteen. Dowladda Shiinaha waxa ay ka midtahay dowladaha taageerada u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya mar walbana u heelan caawintooda” ayuu yiri Xog-hayaha Joogtada ah ee XRW Mudane C/qaadir Cabdi Faarax.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei-Hongtian oo Soomaalidu oo u taqaan Warsame, kuna hadlayay Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ka Safiir ahaan uu si xoojin doono xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal. Isla markaana lacagtan uu ka bixiyay jeebkiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka iskaashi iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya labada qaran.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada

05 04 03 02 01