U bood dhigaalka

Safiirka Jabuuti Ee Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Dayib Dubad Rooble, waxaana wafdiga ka mid ahaa wakiilada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Garoonka Magaalada Baladweyne ayaa xubnahaan waxaa kusoo dhaweeyay maamulka gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Afhayeenka maamulka Gobalka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in wafdigaan ay kulan la yeesheen maamulka gobalka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isaga oo tilmaamay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid tahay arimaha ammaanka, horumarka iyo dib u heshiisiinta gobalka Ka socoto.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in ay soo kormeereen wafdigaan goobihii dowladda Jabuuti ay ka gacan geysatay biyo celintooda, iyaga oo booriyay maamulka gobalka Hiiraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana dowladaasi ay kaalin ka qaadatay biyo xireen laga sameeyay Baladweyne, kaasi oo horay wabiga uga soo fatahayay.

Goobjoog News