U bood dhigaalka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya: Magacyo Cusub ayaa Maanta Raacindoonaa Liiska Cunaqabateynta

Sheeko:Amniga

Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador André oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in haddii la tixgelin waayo ballanta ah in doorashada lagu dhameeyo maanta(March 15) magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka.

Safiir André oo arrintan ka hadlayo ayaa waxaa uu yiri “ Xayiraadaha dal ku galka waxaa sidoo kale sabab u ah oo keenay muddada ay doorashada u waqtiyeeyeen Golaha Wadatashiga Qaran. Markii muddeynta Golaha Wadatashiga Qaran ee (25 Febraayo) la tixgelin waayey, meel ayaan ku qorannay waxaana xayiraado dal ku gal ah la saaray shaqsiyaad dhowr ah. Haddii muddeynta kale ee Golaha Wadatashiga Qaran ee (15 Maarso) aan la tixgelin, waxaan mar labaad ayaan meel ku xusi doonnaa iyadoo magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka”.

André  oo ka hadlayey dadka ay xayiraadda kusoo rogeen ayaa waxaa uu yiri “Xannibaadyada ku aaddan dal ku galka Mareykanka waxay quseeyaan dadka aan aamminsan nahay inay kaalin ku leeyihiin cuuryaaminta geeddi socodka dimuqraaddiyadda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dadka ku lugta lahaa rabshadihii ka dhanka ahaa  dibadbaxeyaasha, xarigga caddaaladda ka fog iyo cabsi gelinta saxafiyiinta iyo xubno ka tirsan mucaaradka iyo ku tagrifalka geeddi socodka doorashada, sidoo kale xayiraaddu waxay taabaneysaa qaraabada shaqsiyaadkaas”.

Safiirka Mareykanka Larry André oo ka hadlaya in siyaasiyiinta iyo maamulka jira ku guuldareysteen heshiiskii cahdiga KMG ahaa, isla markaana ay khatar geliyeen dalka ayaa waxaa uu yiri “Dadka Soomaaliyeed badankood waxay dhibaato xooggan ka soo gaartay rabshado socday in ka badan 20 sano kaddib qaran burburkii dhacay sannadkii 1991. Waxaan ognahay in dib u soo kabashada Soomaaliya ay ka billaabatay markii la meelmariyey dastuurka ku-meel-gaarka ah sannadkii 20212, taas oo ka dhalatay shirir nabadeed oo isdaba joog ah oo caalami ah kuwaas oo la qabtay sannado badan. Illaa iyo sannadkii 2012 nidaamka lagu dhisay dastuurka ku-meel-gaarka ah wuxuu billaabay inuu qaado tallaabooyin waaweyn oo ku aaddan xasilloonida Soomaaliya”.

“Si kastaba ha ahaatee, in ka badan sannad, hay’adihii la doortay, sharci-dejinta iyo qeybaha fulinta ee dowladda waxaa awoodda ka qaaday dhammaadka xil haynta ee uu siiyey dastuurka ku-meel-gaarka ah. Taasi waxay liciifisay sharciyaddooda iyo aamminaaddooda, waxayna qatar gelisay guulihii ay gaareen dadka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaashooda. Waa lama huraan in middaan la saxo. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn ayaa si cad ka muhiimad siiyey danahooda midda qaranka, taas oo la macne ah inay dalkooda Qatar gelinayaan islamarkaana halis gelinayaan  maalgelinta weyn ee dadka Mareykanku ku sameeyeen dib u soo kabashada Soomaaliya. Xayiraadahaan dal ku galka ah, waxaan leennahay in dadka qatarta gelinaya xasilloonida Soomaaliya iyo dimuqraaddiyadda curdunka ah inay saameyn doonto qaraabadooda oo aan lagu soo dhaweyn doonin dalkeenna.

Goobjoog News