U bood dhigaalka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Goobjoog Kala Hadlay Doorashada, Cunaqabateyn Shakhsiyaad Soomaali ah, Al-shabaab, Abaaraha iyo Arrimo Kale

Sheeko:Amniga

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André oo wareysi gaar siiyey warbaahinta Goobjoog ayaa uga warramay xayiraadda Washington ee shakhsiyaadka carqaladeeyey hannaanka doorashada, Al-shabaab, abaaraha, heerka xorriyadda hadalka iyo arrimo kale.

Goobjoog News: Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay in xayiraad la dul dhigayo shaqsiyaadka carqaladda ku noqday doorashada Soomaaliya. Aragtidaada, side ayaad isleedahay in arrintaani ay dardargelin u noqon karto geeddi socodka doorashada?

Ambassador  Larry André : Xannibaadyada ku aaddan dal ku galka Mareykanka waxay quseeyaan dadka aan aamminsan nahay inay kaalin ku leeyihiin cuuryaaminta geeddi socodka dimuqraaddiyadda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dadka ku lugta lahaa rabshadihii ka dhanka ahaa  dibadbaxeyaasha, xarigga caddaaladda ka fog iyo cabsi gelinta saxafiyiinta iyo xubno ka tirsan mucaaradka iyo ku tagrifalka geeddi socodka doorashada, sidoo kale xayiraaddu waxay taabaneysaa qaraabada shaqsiyaadkaas.

Dadka Soomaaliyeed badankood waxay dhibaato xooggan ka soo gaartay rabshado socday in ka badan 20 sano kaddib qaran burburkii dhacay sannadkii 1991. Waxaan ognahay in dib u soo kabashada Soomaaliya ay ka billaabatay markii la meelmariyey dastuurka ku-meel-gaarka ah sannadkii 20212, taas oo ka dhalatay shirir nabadeed oo isdaba joog ah oo caalami ah kuwaas oo la qabtay sannado badan. Illaa iyo sannadkii 2012 nidaamka lagu dhisay dastuurka ku-meel-gaarka ah wuxuu billaabay inuu qaado tallaabooyin waaweyn oo ku aaddan xasilloonida Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan sannad, hay’adihii la doortay, sharci-dejinta iyo qeybaha fulinta ee dowladda waxaa awoodda ka qaaday dhammaadka xil haynta ee uu siiyey dastuurka ku-meel-gaarka ah. Taasi waxay liciifisay sharciyaddooda iyo aamminaaddooda, waxayna qatar gelisay guulihii ay gaareen dadka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaashooda. Waa lama huraan in middaan la saxo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn ayaa si cad ka muhiimad siiyey danahooda midda qaranka, taas oo la macne ah inay dalkooda Qatar gelinayaan islamarkaana halis gelinayaan  maalgelinta weyn ee dadka Mareykanku ku sameeyeen dib u soo kabashada Soomaaliya. Xayiraadahaan dal ku galka ah, waxaan leennahay in dadka qatarta gelinaya xasilloonida Soomaaliya iyo dimuqraaddiyadda curdunka ah inay saameyn doonto qaraabadooda oo aan lagu soo dhaweyn doonin dalkeenna.

Xayiraadaha dal ku galka waxaa sidoo kale sabab u ah oo keenay muddada ay doorashada u waqtiyeeyeen Golaha Wadatashiga Qaran. Markii muddeynta Golaha Wadatashiga Qaran ee (25 Febraayo) la tixgelin waayey, meel ayaan ku qorannay waxaana xayiraado dal ku gal ah la saaray shaqsiyaad dhowr ah. Haddii muddeynta kale ee Golaha Wadatashiga Qaran ee (15 Maarso) aan la tixgelin, waxaan mar labaad ayaan meel ku xusi doonnaa iyadoo magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka.

Dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo siyaasadda aad ula socda ayaa noo sheegay in siyaasaddeennu tahay dhiirrigelinta qaar ka mid ah siyaasiyiinta si ay u bixiyaan dadaal badan oo ay ilaaliyaan mas’uuliyadda ka saaran doorashooyinka.

GN: Xayiraadda Mareykanku waxay dhalisay dood laakiin waxay shaki ku aaddan dadka ku jira kara liiska. Ma isleedahay waxaa la gaaray waqtigii dadka Soomaaliyeed ay ogaan lahaayeen dadkaan liiska ku jira?

Ambassador Larry André : Inta badan waxaa na la weydiiyaa shaqsiyaadka ku jira liiska xayiraadda. Sharcigeenna, iyo dal ku galka la siiyo shaqsiyaadka dadka lama wadaagno. Kuwa ay walaaca ku hayso waxay ka ogaan doonaan xayiraadda marka iyo goorta ay codsadaan dal ku galka ama marka lagala soo xiriiro in la kansalay dal ku gal hore loogu soo-saaray.

GN: Hawlgalka AMISOM wuxuu u xuub-siibanayaa ATMIS. Iyadoo tani lagu tilmaay tallaabo lagu xaqiijinayo qorshaha kala guurka Soomaaliyeed, Indha-indheeyeyaashu waxa sidoo kale I qaateen inay tahay dardargelin; magac beddel oo keli ah. Ka saaxiib ahaan, waa maxay kaalinta ay dowladdaadu ku leedahay ATMIS iyo sida Mareykanku ugu qanci karo qaab-dhismeedka amni ee Soomaaliya iyo geeska Africa?

Ambassador Larry André : Waxaan fahansannahay in dib u habeyn lagu sameynayo AMISOM oo laga dhigayo ATMIS iyadoo loo arko fursad muhiim u ah guusha hadafka ah in ciidanka Soomaaliyeed ay gebi ahaanba sugaan amniga dalka iyagoon garab ka heleyn ciidammo ajinnabi ah. Kani waa hadaf ka yimid hoggaanka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ee dhanka amniga ee Soomaaliya.

ATMIS waa qorshe ay ku mideysan yihiin Midowga Africa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo loogu talogalay in lagu qaabeeyo dhan kasta oo ku aaddan cidda beddeleysa AMISOM. Qaabka lagu wajahayo ciidanka Soomaaliyeed dhismahooda waa qaab kale oo cusub. Tani waxay cabbir u noqoneysaa horumarka iyadoo ciidamda Soomaaliyeed ay si tartiib ah tiro ahaan u badanayaan islamarkaana ciidamada shisheeye ay si tartiib ah u yaraanayaan.

Qaab dhiskeedkeenna ku aaddan amniga waa sida soo socota: In la xoojiyo amniga Soomaaliya iyo Mareykanka 1) iyadoo la siinayo gargaar dhanka amniga ah si kor loogu qaado waxtarka ciidamada Soomaaliyeed, hoggaan u noqdaan dhimista argagixisada, maalgelinta argagixisada, kacdoonka iyo fal dambiyeedyada, iyo 2) in kor loo qaado isku dabbaridka amniga ee ciidanka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo dhimo qatarta argagixisada caalamka ee saldhigga ku leh Soomaaliya.

GN: Soomaaliya hadda waxay wajahaysaa abaar aad u daran oo laga cabsi qabo inay macluul isu beddesho. Ma nooga sheekeyn kartaa jawaabta dalkaagu ka bixinayo xaaladdaan bini’aadannimo?

Ambassador Larry André : Dadka Mareykanka waxaa si buuxda uga go’an taageeridda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku hayso abaarta ka sii dareysa. Waxaan siineynaa cunnada sida degdegga ah loogu baahan yahay, caafimaadka, nafaqada, biyaha, nadaafadda iyo ilaalinta caawinaadda oo qeyb ka ah gurmadka abaarta Soomaaliya.

Waxaan kala shaqeyneynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada gaarka loo leeyahay si ay ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay sida daran abaartu u saameysay sida koofurta, bartamaha iyo waqooyi bari Soomaaliya.

Shantii sano ee la soo dhaafay, dadka Mareykanku waxay tabarrucaad ku bixiyeen celcelis ahaan $45M sannadkiiba gargaar bini’aadannimo oo la gaarsiiyo Soomaalida u baahan caawinaadda. Si looga hortago xaaladdaan bini’aadannimo xilli waliba ay jirto il dhaqaale yari, waxaan ku dhiirrigelineynaa deeq-bixiyeyaasha kale ee Soomaaliya inay ka fikiraan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dadaallada ay ku bixinayaan taageerada oo ay u sii marsiiyaan Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo in gargaarku uu gaaray dadka sida aadka ah ugu baahan oo loo fuliyo si wadajir ah.

GN: Waxaa jiray sare u kace u kac weerarrada Alshabaab ee ka dhanka ah doorashooyinka iyo xilligan kala guurka ah ee lagu dhisayo dowlad cusub. Walaac ma kugu haysaa in Alshabaab ay dib u soo noqon karaan kana xooggan yihiin sidii hore?

Ambassador Larry André : Alshabaab waa ka awood badan yihiin sidii hore. Waxay leeyihiin awood ay ku dhaqdhaqaaqaan waana kuwo weerar ah. Waxaan arrintaan aragnay sannadkii tagay waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Soomaaliyeed ay doorteen muhiimad siinta siyaasadda halkii ay ka difaaci lahaayeen Soomaaliya dilka, baadda iyo dambiyo kale oo kooxdani fasho. Dambiyada Alshabaab waxaa qatar ka sii dhigaya  sida ay uga been abuuranayaan magaca diinta iyo dhaqanka wanaagsan.

Iskaashigeenna amniga wuxuu ku saleysan yahay dan wadaag looga difaacayo Soomalaiya iyo Mareykanka rabshadaha Alshabaab iyo fal dambiyeedyadooda kale. Maalingelinteenna aan dib ugu soo nooleyneyno waxay keli ah guuleysan kartaa marka weerarradaas la joojiyo. Waxaan si toos ah uga warqabnaa dhiirranaanta iyo naf hurnimada xubno badan oo ka mid ah ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. Waxaa ka go’an inay qarankooda u adeegaan, Qatar u geliyaan naftooda si ay u difaacaan walaalahood. Aniga iyo saaxiibbadeyba si aad ah ayaan ula dhacsan nahay.

Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay dib u soo cusbooneysiiyaan ka gonaanta mas’uuliyaddooda taa’oo lagu dhimayo awoodda Alshabaab u leeyihiin in ay weeraro qaadaan, lagana dhigo Soomaaliya meel amni ah. Mas’uuliyaddaas, oo ficil loo beddelo , waxaan si wadajir ah u joojin karnaa kana hortegi karnaa dhaqdhaqaaqa Alshabaab, innagoo dib ugu celineyna difaac si aad ahna hoos ugu dhigeyna weerarradooda waqtiga dhow, innagoo ka shaqeyneyna waqtiga fog sidii loo ciribtiri lahaa dhammaan weerarrada Alshabaab.

GN: Xorriyad hadalka Soomaaliya wuxuu ahaa mid halis ku jira sannadihii ugu dambeeyey wuxuuna ka sii daray xilligan doorashada lagu jiro. Farriin nuucee ah ayaa Mareykanku u dirayaa dadka ku lugta leh xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliyeed?

Ambassador Larry André : Waxaan ka warqabnaa xadgudubyada ka dhanka ah mabaa’diida  xorriyad hadalka si guud ee lagu hayo wariyeyaasha si gaar ahna ay uga geysato xukuumaddu meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Ficilladaani waxay ka soo horjeedaan baaqa Qaramada Midoobay ee xorriyad hadalka, taasoo ay ka mid tahay saxiixeyaasha. Waa qeyb ka mid ah siyaasaddeenna xannibidda dal ku galka. Waxaan ku keydineynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkaas liiskeenna sannadlaha ah ee xuquuqda bini’aadamka, kaas oo si online ah loo heli karo. Waxaan ognahay in dhibaatada saxafiyiintu ay ka sii dartay inta lagu guda jiray “kacsanaanta siyaasadda’ Dimuqraaddiyaddu waxay u baahan tahay muwaaddin ogaalkiisu sarreeyo kuwaas oo xor u ah inay ka doodaan dhammaan arrimaha taagan. Soomaaliya ma gaari karta halka ay rabto inta xuquuqdan aas-aasiga ah ay dad ban la’yihiin.

GN: Dalka Ukraine, xaaladda ayaa ka sii dareysa iyadoo ay jirto cunnadaqabateyn ay soo rogeen reer Galbeedku. Sidee ayaa isleedahay isbeddeladaan waa u saameyn karaan dalalka sida Soomaaliya?

Ambassador Larry André : Waxaa jira mucaarad caalami ah oo ka dhan ah isku-dayga Ruushku burburinayo kuna qabsanayo dhulka iyo dadka Ukraine. Horraantii bishaan, Soomaaliya waxay ku biirtay 140 dal oo lagu taageerayo qaraar ay Qaramada Midoobay ku cambaareyneyso  inay ku duushay Ukraine. Dadka Ukraine waxay si geesinnimo leh u difaacayaan dalkooda. Ruushku wuxuu si ku talogal ah u burburinayaa goobaha rayidka iyadoo sababaya qasaare nafeed. Haddii Ruushku ku guuleysto inuu la wareego Ukraine markaas kaddib hoggaamiyeyaasha kale ayaa isla jidkaas qaadi doona, taas oo noo celin karta xilligii madoobaa ee taariikhdu soo martay.

Hoggaamiyaashii joogay xilligii Africa la xoreynayey waxay si xigmad leh u go’aansadeen inay aqbalaan xudduudo hore u jiray, inkastoo xudduudahaan macmilka ah ay kala qeybiyeen dhaqankii wada jiray, luuqadda iyo isirka bulshada. Waxay doonayeen inay ka fogaadaan dagaal dhexmara dalalka Africa eek u muransan xudduudadaas laga dhaxlay gumeysiga. Taas beddelkeed, waxay doorteen inay adkeeyaan mabda’a mideynta Africa sidaas-darteed xudduudaha Africa waxay noqdeen kuwo aan shaqeyn taasoo keentay in bulshadu is-dhexgooshto. Aragtidaan si aan joogto ahayn aye yuga hirgashay qaaradda laakiin waxay u jirtaa si weyn illaa xad ay gaartay gobollo kale oo adduunka ah. Midowga Yurub, kaas oo ka mid ah bulshooyin dhaqan, isir iyo luuqadba isdhexgalay ayaa sidoo kale tusaale weyn u ah aragtidaan. Dhaqanka Ruushka wuxuu tilmaamayaa mid caqsi ku ah jihadaas oo keenaya mustaqbalka burbur, uur-ku-taallo iyo geeri.

GN: Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya waxaa haystay qilaafaadyo shanti sano ee ugu dambeysay ee maamulka Farmaajo, saameyn nuucee ah ayey ku yeelan kartaa labada dal ee deriska ah?

Ambassador Larry André : Dowladda Mareykanku waxay u riyaaqsan tahay xiriirka aadka u wanaagsan ee kala dhaxeeya labada dal ee dariska la ah, Mexico iyo Canada, sidaas oo ay tahay waxaa jira muranno taagan oo ka dhex jira saddexdeenna. Wax badan ayaa na mideeya oo aan na qeybin karin. Waan maareynaa murannadeenna innagoo u mareyna si saaxiibtinnimo leh. Waxaan ku kalsoon-nahay in labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya xallin karaan arrimaha hadda jira sidii hore u dhacdayba. Waxaa Sharaf noo ah inaan nahay saaxiibka Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan ognahay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka faa’iidi doonaan xiriirkooda oo horumarsan.

GN: Waxaad tahay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan iyo luuqad lagu yaqaan. Safiir ahaan, ma nala wadaagi kartaa eray ama jumlad Soomaali ah oo aad taqaan?

Ambassador Larry André: Markii aan ahaa safiirka Mareykanka u fadhiya Jabuuti, waxaan bartay sida loo dhaho “Mahadsanid” oo Soomaali, Cafar iyo Carabi ah, waana saddexda qowmiyadood ee ugu weyn bulshada dalkaas. Marka, halkaan Soomaaliya, waxaan si joogto ah u dhahaa “Mahadsanid” Marka la eego caqabadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya, waxaan dhawaan bartay maahmaahdaan si aadka ah ula xiriirta xaaladda: “Ninka ragga ah qowl ayaa xira, geelana xarig.”.

Goobjoog News