U bood dhigaalka

Safiirka Mareykanka oo Booqday Xerada Balli-Doogle, Lana Kulmay AFRICOM

Sheeko:Amniga

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya  Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta  kulan wadajir ah waxaa ay la yeesheen taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf.

kulanka Taliyeyaasha iyo Safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka Belli-doogle ee gobolka Shabeellada kaas  oo hadda xarun u ah ciidamada Mareykanka ka jooga gudaha Soomaaliya iyo kuwa uu tababaro ee Kumaandooska ee Danab.

Kulanka ayaa waxaa in badan looga hadlay taageerada dowladda Mareykanka ay siiso ciidamada dowladda federalka gaar ahaan Kumaandooska Danab oo fuliya howgallada gaarka ah oo mararka qaar ay ku wehliyaan ciidamada Marekanka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawa Yuusuf Raage ayaa uga mahadceliyey taliyaha ciidamada AFRICOM iyo Safiirka booqashada ay ku yimaadeen maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha Belli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose.

Goobjoog News