U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo Xilka La Wareegey

Sheeko:Dalka

Kulan uu Xafiiska kula wareegayay Danjiraha cusub ay Dowladda Soomaaliya u magacaabday Dalka K/Afrika ayaa lagu qabtay Xarunta Safaaradda ee Magaalada Pretoria.

Kulankan shaqada uu kula wareegayay Danjire Jamal Mohamed Barrow oo ay goob jog ka ahaayeen Shaqaalaha iyo Madaxda Safaaradda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Qunsulka ahna Sii Hayihii hore ee Safaaradda,mudane Maxamed Cali Mire( Nabaddoon) waxa uu ugu horeyn ka warbixiyay maraxaladihii ay soo martay mudadii isagoo ku wareejiyay Dikomintiyadii Safaaradda.

“Safaaradaan waxaa la furay bishii Febraayo 2013 illaa hadane waxay ahayd,waxaa Safaaraddan ka shaqeeya waxaa ka shaqeeya Diblomaasiin,Uqeybsanayaal iyo Shaqaale hoose waxey ka shaqeynaayaan illaa xilligii la furay wayna u dhabar adeegeen waxaan iska codsanaynaa inaan dadaalkeena sii laba jibaarno shaqadeena”ayuu yiri Qunsulka.

Danjiraha ay Dowladda Soomaaliya,Danjire Jamal Maxamed Barrow oo ugu dambeyntii hadalo kooban ka jeediyay Kulanka shaqo kala wareegidda ayaa u mahadceliyay sida ay howlwadeenada ugu dhabar adeegeen howlaha Safaaradda waxa uuna mar labaad kula dardaarmay u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan K/Afrika.

“ Taarikhiyan hadii aan Safaaradda idinkaga waramo,waa Safaaradda kaliya ee Soomaaliya leedahay oo ay Jaaliyad furato taasna waxay ii noqotay dhiiragalin,Safaaradan waxaa loogu dan leeyahay laba arin oo kala ah inay hagaajiso xiriirka ay Soomaaliya iyo K/Afrika, labo xiriirkii iyo sumacadii ay Soomaaliya la leedahay Wadamada Caalamka soo celiso,waayo Wadankaan waxaa jooga Wadamo badan oo Caalamka Safaaradahooda,tan sedexaad waxa waaye inay u adeegto bulshada ku dhaqan ee Soomaalida ah inay danahooda ka shaqeeyso”ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

Gabagabada Kulanka ayaa waxa uu Qunsulku ku wareejiyay Dikomintiyadii ay lahayd Safaaradda iyadoo uu kulanka kusoo idlaaday jawwi farxadeed.

Goobjoog News