U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo Booqday Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Wafdigaan oo ay hogaaminayeen safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Cali Maxamed Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa madaxa Hay’adda UNHCR ee dalka Kenya, iyo gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Soomaaliya Maxamed Amiin, ayaa tagay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Booqashada wafdigaan ay ku tageen xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, ayaa ahayd mid ugu kuur galayeen xaaladaha nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Dhadhaab, waxaana wafdiga kusoo dhaweeyay halkaasi Madaxa Hay’adda UNHCR ee Dhadhaab, Cabdullaahi Waliid.

Waliid ayaa warbixin kooban ka siiyay xaaladda qaxootiga ee ku sugan Xaerada Dhadhaab, waxaana uu sheegay in Qaxootigaasi 90% ay yihiin Soomaali, islamarkaana 8-kun oo ka mid ah qaxootigaasi ay si iskood ah isku diiwaan geliyeen, si ay ugu laabtaan dalkooda Hooyo, illaa haatanna halkaasi laga qaaday Tiro yar oo kaliya.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta xeryaha qaxootiga ayaa su’aallo waxaa weydiiyay Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo qusulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya,  si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee dadkaasi ku nool yihiin, iyadoo sidoo kale dadka ay qabeen su’aallo badan.

Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha qaxootiga ayaa u sheegay safiirka in ay si toos ah iskula xiriiraan, maadaama uu isaga Soomaaliya matalayo, waxna u qabtaan xaaladda dadkaasi.

Sidoo kale dhalinyarada qaxootiga ku ah Dhadhaab ayaa ka dalbaday Safiirka in uu xal u keeno dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh, iyo sida looga celin lahaa tahriibka iyo dhibaatada ay dhalinyarada la kulmaan.

Qaar ka mid ah Hooyooyinka ku sugan Xerada Dhadhaab ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin dib inay ugu laabtaan wadankooda, balse culeys uu ka jiro sidii loo rari lahaa.

Ugu dambeyn Safiir Jamaal ayaa faah faahin ka bixiyay uljeedka safarkooda ee Dhadhaab, waxaana uu tilmaamay in ay eegayeen xaaladda ay hadda ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah, isagoona sheegay in qofna aanu dooran inuu qaxooti noqdo.

Waxa uu sheegay in ka safaarad ahaan iyo hay’adaha qaxootiga in loo fududeen doono cid walba oo doonaysa inay dalka dib ugu laabato.

Goobjoog News