U bood dhigaalka

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Hargeysa (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray wafdi uu hogaaminayo safiirka Soomaaliya ee Turkiga Olgan Bekar, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Safiirka ayaa magaalada Hargeysa waxa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka ka dib u waramay saxaafadda ayaa sheegay in ay mas’uuliyiintaan ka wada hadleen sii socoshada arimo ku aadan wada hadaladda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

“Soomaaliland waxaa soo gaaray safiirka Turkiga, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin sii socoshada wada-hadallada Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya,”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland.

Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa horay u tagay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, waxaana halkaasi uu kula kulmay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo arimo badan ay ka wada hadleen.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

DSC_0015

DSC_0018

DSC_0022

DSC_0030

DSC_0033

DSC_0042

DSC_0044

DSC_0081

DSC_0082

DSC_0091

DSC_0095