U bood dhigaalka

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xarunta maamulka gobalka ee degmada Hilwaa kusoo dhaweeyay safiirka cusub ee dowladda Turkiga dhawaan Soomaaliya usoo magacawday Olgan Bekar.

Safiirka ayaa halkaasi waxaa loogu sameeyay qado Sharaf, waxaana soo dhaweynta safiirka ka qeyb qaatay gudoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa shacab ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir kuwaa oo gacmaha ku haystay calamada Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidoo kale sawirka madaxweynaha dalka Turkiga.

Safiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka loo soo dhaweeyay, waxaana uu tilmaamay in tani ay ka tarjumayso xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga halka uu gaarsiisan yahay.

Goobjoog News