Safiirka Turkiga oo Casho Sharaf u sameeyey Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Sawirro”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz. 

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa mahadnaq ka sakoow sheegay inay joogteen doonaan kulamada noocaan oo kale ah, markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW