U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Warqadihii Aqoonsiga Kala Laabatay Safiirkeedii Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Haweeney dhawaan madaxweynaha dalka Maraykanka uu u magacaabay safiirka Maraykanka u fadhin doona dalkeena Soomaaliya ayaa lagala laabtay warqadihii Safiirnimo.

Katherine Simonds Dhanani oo aheyd Diplomasiyad horay ugu soo shaqeysay dalal badan oo qaaradda afrika ka tirsan ayaa la sheegay in ay san xilkaasi aysan sii hayn karin sababo la xiriira shaqsiyadeyda iyada oo aan wax faafin ah laga sii bixin sababta lagala laabtay qabashada xilkaasi

Maraykanka ayaa xiray Safaaradiisii Soomaaliya 1991 xiligaa oo ay meesha ka baxday dowladdii uu horkacayay Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Obama waxaa lagu wadaa in uu dhawaan magacaabo safiir cusub oo Muqdisho ka howlgala maadaama warqadihii lagala laabtay Safiirkii hore.

Todobaadkii lasoo dhaafay waxa Soomaaliya booqasho taariikhi ah ku yimid John Kerry  oo noqday xoghayihii ugu horeeyay ee Maraykanka ah soona booqda magalada Muqdisho.

Katherine Simonds Dhanani ayaa xilkaan waxaa loo magacaabay 24-kii February ee Sanadkaan 2015.

Goobjoog News