U bood dhigaalka

Safiiro Ka Socda Qaar Ka Mid Ah Wadamada Caalamka Oo Gaaray Kismaayo Iyo Kulamo Ay La Leeyihiin Madaxda Jubba

Sheeko:Dalka

KismaayoMagaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah safiiro ka socda wadamo ka mid ah caalamka, kuwaa oo haatan magaaladaasi kulamo kula leh madaxda maamulka KMG ee Jubba.

Safiiradaan gaaray Kismaayo ayaa ka kala socda wadamada kala ah Talyaaniga , Norwey,Sweden,Denmark,Uk,France,Holland iyo Madax ka socota urur Goboleedka IGAD iyaga oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Saacadaha soo aadan waxaa magaalada Kismaayo ka furmaya shir balaaran oo xubnahaan ay la qaadan doonaan madaxda Jubba, waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid ah, wixii u qabsoomay xagga amni iyo sidoo kale dhameystirka maamulka Jubba

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Kismaayo dib ugu soo laabtay madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe, isaga oo ku maqnaa dalka Isku taga Imaaraadka carabta.

Madaxda dalkaasi ayuu kala soo hadlay arimo ku saabsan dhismaha ciidamada maamulkaasi iyo ka qeybqaadashada wax ka qabashada arimaha Bulshada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News