U bood dhigaalka

Saiful Islaam Al-Qaddaafi Oo 6 Sano Kadib Xabsiga Laga Sii Daayey

Sheeko:Dalka

Koox Libyan ah oo hubeysan ayaa waxay sheegeen inay  siidaayeen Sayful-Islaam Mucamr Al-qadaafi kaasi  oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii  hore ee dalka Libya Mucamar Al-qadaafi.

Kooxahaan ayaa Sayful-islaam waxa ay ku haysteen magaalada  Zintan ee galbeedka Liibiya iyagoo qabsaday bishii November ee sanadkii 2011 kii.

Koox la baxday Abuubar Sadiiq ayaa baraha bulshada waxa ay ku faafiyeen inay siidaayeen Sayful-islaam Al-qadaafi kooxdaan ayaa waxay sheegeen inay siidaayeen galabnimadii jimcada aheyd ee darraad .

Magaalada Zintan ayaa waxaa gacanta ku haya kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda la aqoonsanyahay ee Liibiya.

Sayful-Islaam ayaa horay maxkamadda magaalada Tripoli waxay ugu xukuntay dil toogasho ah iyadoo la xiriirineyso inuu galay dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin inuu dilay dad dibadbaxyo kaga soo horjeeday Aabihiis.

Sayful-islaam ayaa hadda waxaa doon dooneysa maxkamadda dambiyada caalamiga ah Hage iyadoo ku eedeyneysa inuu geestay dambiyo dagaal oo ka dhana bani’aadanimada.

Dhanka kale warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inaysan dowladda Liibiya aysan awoodin in ay soo xirto ama ay soo dhiibto Sayful-islaam iyadoo ku sababaysay inuu ka baxsanyahay awoodda dowladda.

Goobjoog News