U bood dhigaalka

Sakariye Xaaji Cabdi “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Wey Ku Fashilmeen Dalkooda”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Sakariye Xaaji Cabadi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay hadda ku fashilmeen siyaasadda dalka, isalamarkaana aysan moodin in siyaasadda iyo Kursiga laga dhex raadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Sakariye in hadda siyaasiyiinta ay moodaan in ay wax ka dhigi karaan wadamo shisheeye, isaga oo tilmaamay in ay dadkii wax ka dhigi lahaa ay hareer maraan.

Sidoo kale sakariye Xaaji ayaa hoosta ka xariiqay in hadda siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan lahayn door muuqda oo ay dalka ku hogaamin karaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Doorkayagu siyaasadda waxa ay noqotay dad is dhiibay oo aan isku kalsooneeyn, hadane leh aniga waxaa i wata carab, Maraykan, Itoobiya ama wax la mid ah, shacbiga Soomaaliyeed in isaga loo shaqeynayo, la baryo uuna yahay in midka wax kaa dhigi kara lamaba aaminsana, marka siyaasiyiinta Soomaaliya wey ku fashilmeen dalka, waayo hadii aanu siyaasiyiin fiican leenahay Soomaaliya sidaan ma ahaateen, dowlad wanaagsan baa la heli lahaa, dalkana nagama burbureen, ama waxaan kaloo u maleynaa in ninkii fursad haystay ee siyaasi wax yaqaannay ah la dilayo, xiran yahay ama la leeyahay waa waalan yahay, waxaa mar walba hadda sareeya qabiilkii” ayuu yiri Sakariye Xaaji.

Ugu dambeyn siyaasi Sakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay in dalka uu hagaagi karo hadii la helo siyaasi Soomaaliyeed oo ku kalsoon dadkiisa, islamarkaana xukunka iyaga kasoo dhex raadinaya.

Goobjoog News