U bood dhigaalka

Salaad Cali Jeelle: Dowladda Wey Ku Fashilantay Wax Ka Qabashada Amniga Dalka

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ugu horeen soo dhaweeyay meelmarintii shalay baarlamaanka ee sharciga axsaabta.

Waxa uu sheegay in arrintan ay dadaal badan u galeen axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta, islamarkaana ay soo daahday balse ay hadda soo dhaweynayaan.

Siyaasadda Soomaaliya ayuu sheegay in markaan ay u jiheysmayso dhanka axsaabta lagana gudbi doono qaab qabiilka.

“Waan soo dhaweynaynaa in la meelmariyo sharciga axsaabta, waa wax muddo badan aan ka shaqeynaynay waana loo baahnaa in la meelmariyo sharcigan inkastoo lasoo daahay hadane 2-dii sano ee lasoo dhaafay aad baan ugu dadaalnay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Mar uu ka hadlayey Salaad Cali Jeelle amaanka guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayuu sheegay in dowladda Federaalka ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga.

“Dowladda wey ku fashilantay in ay sugto ammaanka, Afartaan Sano waxaa la rabay in dalka isbedal badan loo keeno, ciidankii la dhiso dalkaanna la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meelmariyey sharciga axsaabta dalka, waxaana sharcigan uu ahaa mid muddo la sugayey.

Goobjoog News