U bood dhigaalka

Salaad Cali Jeelle “Madaxda dowladda hadii aysan heshiin, waxay keeni doontaa in aan horay u dhaqaaqi weyno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Salaad Cali JelleSiyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in khilaafka hadda ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh uu keeni doono in dalka dib uu u dhaco, hadii aanay deg deg u heshiin.

Waxa uu sheegay in caalamka ay aad uga niyad jabeen garab istaaga Soomaaliya, markii ay arkeen khilaafkaan hadda jira, kaa oo sababi kara in Soomaalida laga joojiyo taageerada loo hayo.

“Maanta oo kale waxay ka dhigan tahay in isha aan iska ridnay oo kale, Madaxda dowladda hadii aysan heshiin, waxay keeni doontaa in aan horay u dhaqaaqi weyno, waa in wixii dhacay raali gelin laga bixiyaa, waa in Soomaalida iyo madaxdeeda gacmaha is qabsadaan, hadii kale ma dhaqaaqi karno, maxaa yeelay waxaan ku soconay in gacanta nala qabto” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle”

Dhanka kale mar uu ka hadlay hadalkii horay uga soo yeeray dowladda Mareekanka ayuu sheegay in uu keenay markii ay arkeen Khilaafka, ka dib markii dhanka madaxda ay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa ka dibna dhexdooda khilaaf uu yimaado.

“Mareekanka horay waxa uu u dhahay aan kaalin wada qaadano, caalamka anaga ayaa xooga saareyno, Soomaaliyana doorkeeda ayaa looga baahan yahay, laakiinse dhanka Soomaaliya ayaa balantii ka baxday, Mareekanka waad u jeedaan shirkii waxa uu ka dhashay, weyna cadeeyeen aragtida shirkaan ay qabaan”

Hadalkaan kasoo yeeray Siyaasi Salaad Cali Jeelle waxa uu imaanayaa xilli khilaaf uu ka dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaa oo ilaa iyo xilligaan aan la xalin.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News