U bood dhigaalka

Salaad Cali Jeelle “Wasiirada Halaga Saaro Guddiga Doorashada”

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ku baaqay in xubnaha wasiirada ah ee ka midka ah guddiga doorashada laga saaro xubnaha wasiirada ah iyo sidoo kale kuwa shaqaalaha ka ahaa xafiisyada dowladda.

Jeelle oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ulajeedka baaqoodan uu yahay in la helo doorasho si xalaal ah u dhacdo, islamarkaana la helo guddi ay ka dhex muuqdaan axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sidoo kale siyaasigan ayaa sheegay in haddii guddigan sidaan uu sii ahaado in ay macquul tahay in doorashada aysan u dhici qaabkii la rabay taasi oo uu kala jeeday in lagu shubto.

“Waxaan rabnaa inaan aragno wax dhex dhexaad ah, hadii ay sidaan ku wadaan guddigan caalamkuna nala garan waayo aragtida aan soo jeedinayno wuxu waxay noqonayaan wax aan daah furneen oo koox gaar ah wadato, annaga guddiga oo dhan ma diidanin laakiinse waxa la diidan yahay waa kuwa kooxda dowladda ka mid ah sida kuwa wasiirada ah iyo kuwa shaqaalaha ah ee xafiisyadooda ka qorteen” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay guddiga doorashada oo ay 5 xubin yihiin wasiirro iminka shaqeeya.

Goobjoog News