U bood dhigaalka

Salaad Roob Doon Ah Lagu Oogay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisay isku soo bax roobdoon ah, kaasi oo ay ka qeybgaleen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, iyo shacab badan.

Saaladda Roobdoonka ah ayaa lagu tukaday barxadda weyn ee Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo la hadlay warbaahinta salaadda roobdoonka ah kadib waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in hadii Allah la baryo in la helayo wax walbo oo ilaahay la weydiisto, waxaana uu tilmaamay in cibaadada Allah oo la badiyo tahay midda kaliya ee barwaaqada lagu gaari karo.

Wasiirka ayaa sheegay in Allah uu isaga oo kaliya cirka iyo dhulka biyo ka keeni karo, kuna baraarujiyey shacabka Soomaaliyeed inay allah dambi dhaaf weydiistaan.

Si sidan la mid ah Salaad roob doon ah ayaa lagu tukaday magaalooyin kale oo dalka ah, kana mid tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Goobjoog News